By Ahmed
Abdihadi,
Dowladda Soomaliya
2sanno iyo bar ka hor waxay dacwad u gudbisay maxkamadda cadaalada aduunka ee
Hague, Netherlands ku taala. Dacawadan waxuu nuxurkeedo ahaa in maxkamadu ay go’aan
ka gaarto muran u dhexeeya labadda dal
oo ku saabsan dhul badeed 100,000km2 ah. Dowladda Kenya ayaa sanad ka
dib waxay gudbiysay dacwad ah in arrinta
badda ay 2dal ku heshiiyeen in ay ku dhamaystaan heshiis dhexdooda ah,
maxkamaduna ay wakhti ku filan siiso wada hadalada labada dal. Dalka Kenya ayaa
taas u coskaday heshiis is fahan ahaa (MOU) oo dhexmary 2dal 2009.
Hadaba dood
waxay ahayd maxkamadu ma qaadi kartaa dacwada 2dal ka dhaxaysa, ee ma ahayn in
ay xukunto qaabkee badda loo qaybinlahaa.
2 dalba
waxay ahayeen saxiixayaasha sharciyadda maxkamadda , gaar ahaan qaybta
(optional clause) oo ah qayb waajib ka dhigaysa hadii laba qarana ay doodi ka
dhaxayso in ay maxkamada u soo dacwoodaan.
Shalay maxkamadda
markii xukunka lagu dhawaaqyay waxaa fadhiyay 15 garsoore oo uu ka mid yahay
gudoomiye ku xigeenka oo ah nin Soomaali ah.
Maxkamadu waxay
qirtay in heshiiskii 2009kii oo ahaa mid sax ah, loona baahnayn in uu barlamaan
ansxiyo. Laakiin, maxkamadu waxay qirtay in heshiiskaasi uusan maxkamada u
diidaynin in ay dacwadan qaado. Halkaas markii la maryo waxaa cadaatay in
Soomaliya ay ku guulaystay wareegii koobaad ee dacwadda.
Maxkamadu wali
ma sheegin xiliga ay si rasmi ah u furayso bilaabashada dacwadda labada dal. Laakin
sida caadiga ah waxay u badantahay sanadkan dhexdiisa ama dabayaaqadiisa in ay
furmayso dacwadane. Waxayna socon doontaa muddo ku dhow 3sanno.
3sanno ka dib xukunka maxkamadu maxuu
noqon doonaa?
Guusha shaly
ay Soomaliya heshay waxay ka dhigantahay in kalsoonadii sii labanlaabato, oo
isla haddaba halka shirkad ee badda shidaalka ka qodaysa ee laga leeyahay
Talyaaniga waxay ku qasbantahay in ay hakiso kana baxado.
Arinta kale,
waxay tahay marka horay loo eego dacawadihii maxkamadne ay horay u qaaday iyo
xeerasha badaha ee United Nations laws
of Seas la yiraahdo waxay tilmaamayaan in ay saxsantahay qaabka ay Soomaliya
wax u rabto.
Haddi 8
February uu hogaan fiican dalka qabto waxaa isla markiiba halkaas laga sii
dardar galin habasimi u sii socodka dacawada.
2da million
ee doolar ee la siiyay sharciya yaqaanada reer galbeed waxaa bixisay dowladda
Emaaraadka. Ma walaalnimo ayay ka hayd misa dan siyaasadeed ayay ku
dhamaysanaysay?taas jawaabteeda hadda ma sheegi karo. Laakiin arinta saxda ah ayaa ah in dhulka
soomaliyeed lagu dhiciyo xuulo soomaliyeed.
Ugu danbayn,
waxaa mahad iska leh dowladada Soomaliya ee hadda jirta oo dadaal badan ku
bixisay arintan, lawyardii iyo xeer ilaaliyaha dalka iyo dhamaan
muwaaadiniintii har iyo habeen ducadda iyo dhiirgalinta jilibka u aasatay.